Kulan si heer sare ah loo soo agaasimay oo uu shir gudoominayay Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’isal Wasaaraha mudane Cabdulahi Xaamud Maxamed ayna ka soo qaybgaleen agaasimayaasha guud ee wasaaradaha ku howlan horumarinta Arimaha Bulshada ayaa waxa uu ka dhacay xafiiska Ra’isal Wasaaraha.
Kulanka ayaa waxaa looga arinsanayay sidii siyaasad guud oo heer federal ah looga yeelan lahaa Horumarinta Arimaha Bulshada, iyo soo diyaarinta siyaasada Arimaha Bulshada wasaaradaha ay ka socdeen agaasimayaasha guud ee ka soo qayb galay shirka.
Wasiiru dowlaha oo shirka furay ayaa sheegay in dowlada ay samaysay afar tiir oo muhiim u ah hanaanka dowliga kuwaas oo kala ah Siyaasada loo dhan yahay, kobcinta dhaqaalaha, cadaalada & Amniga iyo Horumarinta Arimaha Bulshada, wuxuuna sheegay wasiiru dowlaha in dowlada ay muhimad gaar ah u leedahay Horumarinta Arimaha Bulshada, ayna dood dheer ka gashay wax ka Qabashada arimahan.
Kulanka ayaa waxaa lagu soo bandhigay shaxda Arimaha Bulshada ee wasaaradaha, ayadoo ay wasaarada walbo ay soo gudbisay Waxyaabaha ay muhimada saarayso ee ku saabsan Horumarinta Bulshada, intaa ka dib ayaa kulanka ayaa looga dooday shaqo wadaaga wasaaradaha iyo in la cabiro Qorshe howleedka ay qabanayaan.
Ugu danbaytii wasiiru dowlaha ayaa agaasimayaasha ku war galiyay in xafiiska Ra’isal Wasaaraha doonayo in uu ogaado aida ay socdaan hawlaha Arimaha Bulshada si loo gaaro yoolka Horumarinta bulshadeena, waxaana loo balamay in Kulan kale la isugu yimaado si loogu soo bandhigo jadwal howleedka oo hada ah mid qabyo qoraal ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com