Allbanaadir.com
NEWS

(Magacyada) Hogaamiyeyaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu soo qabtay howlgal caawa ka dhacay Sh/hoose

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Kumandoska ayaa caawa howlgal qorsheysan ka wada degaano ka tirsan gobolka Sh/hoose oo ay ku sugan yihiin Xoogaga Al-Shabaab.

Howlgalkan oo sidoo kale ay taageerayeen ciidamada Maraykanka ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Aw-Dheegle ee gobolka Sh/hoose oo muddo badan Al-shabaab gacanta ugu jiray iyo degaano kale.

Inkastoo aan faahfaahin badan laga helin qaabka uu u dhacay howlgalkan ayaa haddana Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Sh/hoose C/fitaax Xaaji Cabdulle waxaa uu sheegay in lagu guuleystay soo qabashada hogaamiyeyaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

“Saraakiisha sare ee lagu soo qabtay howlgalkan waxa labo nin oo muhiim ah, waxayna kala yihiin Cabdi-kariin Abuu Xamza oo ah Madaxa Al-Shabaab u qaabilsan Maaliyadda iyo Shiikh Muudey oo ah taliyaha u qaabilsan Amniyaatka iyo dilalka qorsheysan, laguna soo tababaray dalka Afghanistan” ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Sh/hoose.

C/fitaax Xaaji Cabdulle ayaa intaas ku daray in hogaamiyeyaashan oo muddo lagu raad joogay ay ka dambeysay soo qabashadooda xog laga helay dadka degaanka, wuxuuna xusay in lagu hayo xarumaha ciidamadu ku leeyihiin gobolka Sh/hoose, laguna wareejin doono Ciidanka Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka.

Howlgalku ayuu sheegay C/fitaax Xaaji Cabdulle inuu weli ka socdo degaano ka tirsan gobolka Sh/hoose laguna raad joogo saraakiil kale oo ka tirsan Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gaari ay la socdeen koox arday ah oo goor dhow lagu rasaaseeyey Muqdisho

Caydiid Ali

Mursal oo caqabad ku noqday in cod lagaliyo mooshinka matalaada G/Banaadir ee aqalka sare

Cabdi Cade

Guddigii la sii daayey ee dhismaha wadada Boosaaso oo shir jaraa’id qabtay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---