Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo oo caawa Ubax dhigay Taalada SYL (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa ubax dhigay Taallada SYL taasoo lagu xasuusanayo sanad guuradii 76- aad ee kasoo wareegtay aasaaskii Ururkii Dhallinyarada ee gobonnimo doonka ahaa ee SYL.

Madaxweynaha waxaa wehlisey Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Khadiija Maxamed Diriye, taliyeyaasha ciidamada Qalaba sida iyo xubno ka tirsan labada Gole, waxaana la camiray Taallada SYL oo sanad kasta xilligan oo kale dayactir lagu sameeyo, iyadoo maanta ay ku beegneyd xuska aasaaska ururkii dhalinyarrada Soomaaliyeed ee SYL

Sidoo kale Madaxweynaha iyo masuuliyiin fara badan ayaa ka qeyb galay munaasabad balaaran oo lagu maamuusayey 15ka May, taasoo caawa lagu qabtay xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Hab-dhowraha Aqalka Sare iyo kuxigeenkiisa oo la ansixiyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Jubbaland oo xabsiga dhigtay 12 Haween ah (Sababta)

Caydiid Ali

Midowga Yurub oo ka hadlay Ciidamada Milatariga ee wali ku sugan Xaafadaha Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---