Allbanaadir.com
NEWS

Mid ka mid ah dowladaha Carabta oo Mashaariic maalgeshi ka bilaabeysa Muqdisho (Daawo Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Masar u fadhiya Soomaaliya Danjire Mowliid Ismaaciil iyo madax ka socotay Bangiyada dalkaas oo Soomaaliya u soo gaaray sidii ay maalgashi ugu sameyn lahaayeen.

Duqa Muqdisho iyo wafdi ka socday dalka Masar ayaa kulankooda diiradda ku saaray goobaha Caasimadda ee u baahan in maalgashi lagu sameeyo, si dhalinyarada Soomaaliyeed loogu abuuro shaqo.

Guddoomiyuhu waxuu uga mahad celiyay xiriirka wanaagsan ee u dhexeeya labada dal, iyo sida ay diyaar ugu yihiin xoojinta xiriirkaas. Isagoo xusay muhiimadda ay dalka u leedahay in maalgashi lagu sameeyo, gaar ahaan magaalada Caasimadda ah ee soo kabanaysa.

“Dawladda Masar waxay gacan ka geysan doontaa Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha Caasimadda, waxaan isla soo qaadnay meelaha u baahan maalgashiga, si fursadaha ka dhasha maalgashigaas ay shaqooyin ugu abuuraan dhalinyarada Soomaaliyeed”.Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Danjiraha dalka Masar Soomaaliya u fadhiya Mowliid Ismaaciil ayaa kulanka ka sheegay in dalkiisu uu gacan ka geysan doono dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya, maadaama ay labada dal leeyihiin xiriir soo jireen ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

James Ibori oo lagu amray in uu bixiyo lacag gaareysa $130 milyan oo Dollar

Cabdi Cade

RW Khayre oo xalay socod ku maray qaar ka mid ah Jidadka Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Halkan ka Akhriso : Bayaan Culimada Soomaaliyeed kasoo saareen Khilaafka Siyaasadeed

admin
Taboola Ads ---