Dhacdooyinka qaar maalinlaha ah ee ka dhacaya Soomaliya waa kuwo ugub ah, amakaag iyo afkalataagna kugu reebaya. Dilka, kufsiga, musuq iyo jahliga, meel sare ayaan kaga jirnaa caalamka!!
Dhacdadii ugu danbeysay dadkuna ka dheregsanyihiin, waa imtixaankii dugsiyada waxbarashada oo la musuqay, bannaakana u baxay ka hor intaan la gelin. La yaab malaha in la musuqo imtixaan dowladeed, waxaase fajac lahaa wixii ay ardayda sameeyeen. In faseexo loo hadlaa gobi ku faaydaaye bal ila aqriso 4 wax aan ka bartay.
1)Arday Ardaal u muuq eg.
La yaab malaha wuxuu jaahilka bi’iyo, lkn waa nasiib darro weyn ah kuwii loo diyaarinayay mustaqbalka dalka, inay u bannaan-baxaan si damiir la’aan oo mas’uuliyad darro ku jirto. Dhirtii  wadooyinka oo la jaray, jidadka oo dhagxaan lagu gooyay iyo gaadiidki dadweynaha oo la xayiray, waa dhaqan aan marna laga filan Karin arday waxbaranaya qaarkoodna qalin-jebinayaan. Waxaan kala garan waayay inay bannan-baxayeen arday waxbarata iyo darawallada bajaajta kaxeeya. Waxayna taas cadeyn dhab u tahay, sida ay u liidato heerka akhlaaq iyo tarbiyo ee ardaydii bannaanbaxeysay. Waxaan la oran karaa waxaaba gebi ahaan maqan waxbarashadii aasaasiga aheyd ee tarbiyada ee arday lagu yaqaanay. Muuqa iyo magacana waa kaaf iyo kala dheeri!
Haddii ay qiiro sabab u aheyd faraqsanaanta iyo fadqallalada, waa iga su’aale “Arday si la hubo iskugu diyaariyay imtixaanka, maxay u dhibi imtixaan baaqday iyo mid lasoo hormariyo iyadoo laga hortagayo qish qolo kale gacanta u galay?. Dabcan ardayga is huba wuu ku farxi lahaa si looga hortago qishka in wax weliba loo sameeyo. Lkn midkaan banaanbaxay, baroortiisa orgiga ka weyn!
2)Doorkii GURIGA oo dansan.
Guriga waa halka ay kasoo bilaabato waxbarashada ardayga, waa halka uu ka barto dhaqanka iyo tarbiyada wanaagsan. Tarbiyada uu guriga kasoo barto ayuu la hortagaa bulshada kale. Goobah kale ee waxbarashada waa meelaha uu ardaygu ka dhameytirto waxa ka dhiman. Haddii uu ardaygu seego tarbiyadi guriga, waxaan shaki ku jirin in wax waliba laga filan karo sida shalayba dhacday. Mas’uuliyaddaas weynna waxay saarantahay hooyada iyo aabaha ama cidda markaasi mas’uulka ka ah caruurta. Waxaan ii muuqanayay  arday gabay tarbiyadii aasaasiga aheyd ee guriga. Wax micno ah ma sameyneyso shahaaddo la qaato mar haddii ay maqantahay tarbiyadii asaasiga aheyd. Waana dhibaatada  heysata soomaalida, marka aad eegto kuwa mas’uuliyadda loo dhiibo  iyo hab dhaqankooda.
3)Shaqaalo qabiil lagu shaqaaleysiiyay.
Sida la fahmi karo waxaa imtixaanka bannaanka u bixiyay qaar ka mid aha shaqaalaha wasaaradda loo wakiishay. Xilalka wasaaradaha qabyaalad ayaa si xishood la’aan lagu qeybsadaa, midkan xigtada lagu keenay uma arko mas’uuliyad weyn howsha loo igmaday maadaama uusan wax tijaabo usoo marin helitaanka shaqadaas, cabsina kama qabo inuu waayo booskiisa, taas bedelkeed inuu iibsadaa howshi loo igmaday ma noqoneyso waxa la baciidsan karo. Ha sugin hufnaan inta howlaha wasaaraduhu hayaan kuwii qabiilka lagu keenay inay daacad u noqdaan howsha loo dhiibayo halka kuwii mudnaana la heyb soocay. Waa xaalad u baahan in la hufo lana haadiyo.
4)Iskuullo dan ganacsi loo furtay.
Tiro maleh iskuulada iyo jaamacadaha dalka, badankood waxey u furanyihiin qaab ganacsi. Macallimiinta ka shaqeeya badankood waa kuwa xigto iyo xigaallo lagu keenay, marka ay sheekadu halkaas mareyso waxaad sugtaaba waa inay soo qalin-jebiyaan kuwo magac arday wata asii ardaal u muuq eg. Si kale, wax soo saarkoodu wuxuu noqdaa arday tiro badan oo tayadooda aad u liidato. Maxay la yaab kugu noqon mid saddex sano ka hor baadiya ka yimid maantana jaamacad dhiganaya. Allow sahal umuuraha
W/Q Â Abdinasir Safaana
Email:Â Safaanahaji@gmail.com
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com