Kooxo hubeysan ayaa caawa qeybo ka mid ah degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir ku toogtay sarkaal ka tirsan ciidamada Milateriga dowladda Soomaaliya.
Sarkaalkan oo Magaciisa lagu soo koobay Maxamed Xasan Ciise ayaa la sheegay in xiliga la dilayay uu ku sugnaa meel ku dhow hoygiisa oo ku yaalla Xaafada Macalin Nuur ee degmada Dharkeynley.
Goob-joogayaal ayaa sheegay in kooxdii ka dambeysay dilka Sarkaalka ka tirsanaa Ciidamada Milateriga ay goobta isaga baxsadeen.
Daqiiqado ka dib sida caadada waxaa halkaas gaaray ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya oo halkaas ka sameynaya howlgalo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey dilkaas.
Habeen hore ayey aheyd markii isla xaafaddan Macalin Nuur ee degmada Dharkeynley lagu dilay sarkaal kale oo magaciisa lagu soo gaabiyey Yuusuf, iyadoo dilalka noocan ah ay maalmahan ku soo bateen Magaalada Muqdisho.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com