Allbanaadir.com
NEWS

Facebook oo soo saareysa Shuruuc saameyn ku yeelan karta Soomaaliya badan

Shirkada Facebook ayaa ku dhawaaqday qorshayaal ay dooneyso in ay ku adkeesto shuruucda u yaala Facebooka, waxaana dadka ku xadgudba shuruucdan ay wajihi doonaan xanibaad.

Maamulka Facebook ayaa sheegay in lasoo saarayo qorsheyaal lagu adkeyneyso in shuruucda ku saabsan muuqaalka tooska ah ee laga baahiyo Facebook-ga,waxaana dadka hareer mara shuruucdan laga mamnuuci doonaan in wax toos ah ka baahiyaan Facebook.

Shirkada Facebook ayaa sheegtay in qofkii lagu helo in uu dadka la wadaago xog la xiriirta falalka argagixisanimada ama muuqaalada dilka in laga joojin doonaa Facebook Live-ka muddo dhan 30 cisho ah.

Shuruucdan ay Facebook soo saareyso ee looga hortagayo waxyaabaha dadku dhibsadaan ee sida tooska ah loo baahiyo ayaa saameyn ku yeelan karta Soomaali badan oo baahiya muuqaalo argagax leh.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa Facebook soo dhiga muuqaalo dad la dilayo iyo qaraxyo , waxaa sidoo kale dadka qaar soo dhigaan muuqaalo aad loo dhibsado, waxaana hada kadib dadkaasi laga yaabaa in shuruucdan cusub ee lasoo saaray uu qabto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Muuse Biixi oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay dalka Jabuuti (Sawirro)

Cabdi Cade

DEG DEG: Rooble oo ka hadlay kiiska Ikraan Tahliil (Fahad Yaasiin oo 48 saac loo qabtay)

Caydiid Ali

Iran oo duqeysay Magaalo ku taalla Ciraaq iyo Mareykanka oo si kulul uga hadlay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---