Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiir Cawad oo ka qeyb galay Madasha Stockholm ee Nabadda & Horumarka (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ka qeybgalay Madasha lixaad ee Stockholm ee Nabadda iyo Horrumarka oo maanta laga furay Magaalada Stockholm ee dalka Sweden, iyada oo ay ka qeybgalayaan tiro ballaaran oo ah siyaasad sameeyeyaal, cilmi baarayaal iyo dad xirfad sare leh.

Madasha oo sanadle ah, qaban-qaabadeeduna uu leeyahay Machadka Caalamiga ee Stockholm ee Cilmi-baarista Nabadgelyada (SIPRI), ayaa sanadkan diiradda lagu saarayaa mowduuca ku saabsan ‘Ka jawaab celinta dhibaatooyinka si nabadda loo dhiso: ka guul-keenidda wadajirka’.

Madasha oo seddex cisho socon doonta (14-16 May) ayaa Mudane Danjire Axmed Cawad ka jeedin doonaa hadallo dhowr fadhi oo wadatashiga ka mid ah oo ay kala qeybqaadanayaan Wasiirro iyo wakiillo caalami ah oo ay ku fallanqayn doonaan nabad dhisidda, deganaanshaha iyo horrumarka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

RW ku-xigeenka Somalia oo la hadlay Ardayda Soomaalida ee wax ka barata UK (Sawirro)

Caydiid Ali

Barakac xooggan oo wali ka socda qeybo kamid ah magaalada Baledweyn (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxaa Soomaaliya ka dhacay maanta oo kale 9-kii Disembar 1992-dii? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---