Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Madaxweyne Biixi oo qaabilay wafdi uu horkacayey Mr. Aziz Yildirim (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay shirkada GULHAN LTD. DEARSAN.Co, oo laga leeyahay dalka Turkiga oo uu hoggaaminayey gudoomiyaha shirkadaasi Mr. Aziz Yildirim oo maanta safar shaqo ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland.

Masuuliyiinta Shirkadan Turkiga ah ee madaxweynuhu kulanka la qaatay ayaa ujeedada ay u yimaadeen Somaliland ay tahay in ay danaynayaan fursadaha maalgashi ee ka jira dalka, iyo sidii ay qayb uga noqon lahaayeen mashaariicda maalgashi ee ka hirgelay Somaliland, gaar ahaan maalgelinta, kalluunka, macdanta, wershedaha, beeraha iyo tayaynta wadooyinka waxayna sheegeen inay ku qanceen dadaalka iyo horumarka Jamhuuriyadda Somaliland samaysay iyo maalgashiyada waaweyn ee waayadan danbe ka hanaqaaday dalka.

Iyagoo taa ka duulayana ay doorbideen inay dalka Somaliland ka fuliyaan maalgashi, isla markaana tusaale u noqdaan shirkadaha iyo maalgashadayaasha waddanka Turkiga si ay qayb uga noqdaan maalgashiga dihin ee Jamhuuryadda Somaliland ku duugan.

Sidoo kale wasiirrada wasaaradaha, Ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska, macdanta iyo tamarta, gaadiidka iyo horumarinta jidadka, horumarinta maalgashiga, horumarinta beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga, ayaa kulanka ku soo bandhigay qorsheyaasha maalgashi iyo siday diyaarka ugu yihiin inay ka faa’iideeyeen fursadaha noocan oo kale ah.

Ugu danbayntii Madaxweynuhu waxa uu ku bogaadiyey masuuliyiinta shirkadaas imaatinkooda Somaliland iyo inay xogogaal u noqdaan horumarka ganacsi iyo dhaqaale ee ka jira waddanka, isagoo xusay in ay xukuumadda iyo shacbigaba ka go’an tahay soo dhawaynta cidkasta oo khayraadka dihin ee dalka ku duugan maalgashi ku samaynaysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Iran oo ku hanjabtay in jawaab kulul ka bixin doonto dilka Cabbaas Nilforoushan

Cabdi Cade

Ciidamo badan oo Itoobiyaan ah oo kasoo gudbay Xadka Soomaaliya iyo Ujeedkooda oo…

Cabdi Cade

Ciidamada AMISOM oo gaadiidkooda jiirsiiyey askari Soomaali ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---