Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Hargeysa oo lagu xiray Wiil ku labistay dhar leh midabka Calanka Soomaaliya (Sawirro)

Ciidamada booliiska maamulka Soomaaliland ayaa maanta magaalada Hargeysa ku xiray wiil dhalinaro ah oo ku labisnaa Surwaal iyo Jaakad ka sameesnaa midabka Calanka Soomaaliya.

Wiilkan dhalinyarada ah oo magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Maxamed Cali “Aar” ayaa xiliga la xirayay ku sugnaa magaalada Hargeysa, waxaana la sheegay in wiilkan kahor inta aan la xirin in hanjabaad iyo cay kala kulmay dad shacab ah oo Hargeysa ku sugnaa.

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliland oo soo gaaray halka uu ku sugnaa wiilka  ayaa si qasab ah goobta uga kaxeeyay, waxaana la sheegay in wiilkaasi dhalinyarada ah lagu xiray Xabsi kuyaala Hargeysa .

Maamulka Soomaaliland ayaa caburin iyo xarig u geesta dadka laga dareemo Soomaalinimo iyo sidoo kale dadka xirta astaanta Calanka Soomaaliya dhar u eg, waxaana horey sidan oo kale loogu xiray Hargeysa dad watay midabka Calanka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay Dowlada Somalia ka tiri Guddiga doorasho ee Musharaxiintu Magacaabeen?

Caydiid Ali

Itoobiya oo laga helay kiisas cusub oo la xiriira Cudurka Coronavirus

Caydiid Ali

Shiikh Soomaali ah oo Magaalada Nairobi ugu geeriyooday Coronavirus

Caydiid Ali
Taboola Ads ---