Allbanaadir.com
NEWS

Madaxda dowlad goboleedyada oo isku fahmi waayey War murtiyeed laga soo saari lahaa Mooshinka Jawaari

Madaxda Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ka jira dalka ayaa ku guuldareystay iney isku raacaan War murtiyeed ay doonayeen iney si wadajir ah uga soo saaraan Mooshinka laga keenay guddoomiye Jawaari iyo khilaafka baarlamanka Somalia.

Arintan ayaa ka dambeysay ka dib kulamo wada tashi ah oo khadka telefanka ay ku yeesheen madaxda dowlada goboleedyada dalka kuwaasoo la xiriiray sidii ay mowqif mideysan uga qaadan lahaayeen xaalada ka taagan baarlamanka Somalia iyo qaabka loo wajahayo.

Hase ahaatee sida ay sheegayaan ilo wareedyo muhiim ah madaxda ayaa isku aragti ka noqon waayey mooshinka laga keenay Jawaari ee sababay qalalaasaha Siyaasadeed ee taagan.

Madaxda qaarkood sida Madaxweynaha koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa u soo jeediyey madaxda kale iney taageeraan cadaadiska lagu hayo Jawaari ee la xiriira inuu xilka ka dego.

Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa qabay feker kaas ka duwan oo ah in la difaaco Jawaari, lana cambaareeyo qolyaha mooshinka wada oo uu ku eedeynayey iney dalka geliyeen xasarad aan loo baahneyn.

Madaxda kale ee dowlad goboleedyada oo fikradahoodu isku dhowaayeen ayaa la sheegaya iney diideen labadaas fikradood iyagoo ku taliyey in laga qaato mowqif dhexdhexaadnimo ah.

Dhinaca kale, kulan Madaxda golaha iskaashiga dowlad goboleedyada uga furmi lahaa maalmo ka dib magaalada Garoowe ayaa dib u dhacay sababo la xiriira qalalaasaha siyaasadeed ee ka aloosan baarlamanka Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka hadashay Shirka loo qabanayo Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed

Cabdi Cade

Siyaasi caan ah oo codsaday in Qaraxii Soobe aan lagu tilmaamin Musiibo Qaran .

Cabdi Cade

Dhimasho iyo Dhaawac ka dhashay Dhismo kusoo dumay Shaqaalihii dhisaayay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---