Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirro Cusub oo laga soo qaaday xarunta Degmada Wardhiigley ee la qarxiyay

Waxaa maanta qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu weeraray xarunta degmada Wardhiigley, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka yimid aag aan laga fileyn, waxa uuna gaariga ku qarxay albaabka laga galo xarunta Degmada Wardhiigley.

Masuuliyiin katirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in qaraxan ay ku dhinteen labo qof sidoo kale ay ku dhaawacmeen tiro kale, waxaana dadka qaraxa ku dhaawacmay ku jira Xoghayihii Degmada Wardhiigley Cali Aadan.

Qaraxa ayaa bur bur xoogan gaarsiiyay qeybo badan oo kamid ah xarunta degmada Wardhiigley, waxaana la arkayay xafiisyada maamulka , garoonka salaxa iyo qeybo kale oo xarunta kamid ah oo aad u bur buray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Buuq iyo fowdo hareeyey doorashadii caawa ka socotay Magaalada Jowhar

Caydiid Ali

Gabar Soomaaliyeed oo Jaamacad ka dhiganeysay Masar oo gurigeeda lagu dhax dilay

Cabdi Cade

Meydadka 45 qof oo laga helay xeebaha Jabuuti

Caydiid Ali
Taboola Ads ---