Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Hindiya Sushma Swaraj ayaa xaqiijisay in ay dhinteen 39 ruux oo dhisme ka shaqaynayay oo kooxda isku magacawday Dawladda Islaamka ay ku afduubatay dalka Ciraaq.
Waxay sheegtay in dheecaanka Hide sidaha (DNA) ee 38 shaqaalaha ka mid ah ay waafaqeen maydadka laga helay xabaal wadareed.
Dawladda Hindiya ayaa si joogto ah u sheegi jirtay in ay dadkaasi nool yihiin tan iyo markii la afduubtay sannadkii 2014kii.
Hindiya ayaa samaysay dadaal wakhti dheer socday oo ay ku doonaysay in ay ku soo dayso, waxayna xataa garab ka dalbatay dawladda Ciraaq markii ay magaalada Mawsil dib u qabsatay sannadkii hore iyadoo rabtay in ay gacan kasiiso in meel uun lagu sheego muwaadiniinteeda.
Swaraj ayaa intaas ku dartay in ay u badan tahay in la helay maydadka 39ka ruux ee shaqaalaha ah.
Waxay geerida dadkan ka xaqiijisay iyada oo hadal ka jeedinaysa aqalka sare ee baarlamaanka Talaadadii.
Sannadkii hore Swaraj ayaa baarlamaanka u sheegtay in aysan jirin wax caddayn ah oo muujinaya in kooxda Dawladda Islaamku ay laysay shaqaalahaas.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com