Allbanaadir.com
NEWS

Qaar kamid ah Hoteelada Muqdisho oo dhaqaalo badan ka helay Mooshinka Jawaari

Qaar kamid ah Hoteelada waa weyn ee kuyaala magaalada Muqdisho ayaa dhaqaalo badan ka sameeyay mooshinka Xildhibaano badan oo katirsan Baarlamaanka ka keeneen Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Hoteeladan ayaa hooy iyo goobo ay ku shiraan u noqday Xildhibaanada iska soo horjeeda, waxaana Kulamo aan kala har laheyn qaar kamid ah Hoteelada Muqdisho ku yeesha Xildhibaanada Mooshinka wada iyo kuwa kasoo horjeeda.

Sida aan xogta ku heleyno Hotelka ugu horeeya ee dhaqaalaha ugu badan ka helay Mooshinka Jawaari laga keenay ayaa ah Hotelka SYL oo kuyaala meel ku dhaw xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Hotelkan ayaa siyaabo kala duwan waxaa ugu shira Xildhibaanada siyaasad ahaan iska soo horjeeda, waxaana la sheegay in maalin kasta ay tagaan Xildhibaano badan kuwaa oo kulamo ku yeesha.

Xildhibaanada ku shiraya Hotelada Muqdisho ayaa dhaqaalo badan waxaa ku bixiya dhinacyada mooshinka Jawaari kalsoonida lagala noqonayo abaabulay iyo kuwa kasoo horjeeda mooshinkaasi,

Shacabka Soomaaliyeed ayaa aaminsan in dhaqaalo badan sifo sharci daro ah loogu bixinayo riditaanka iyo difaaca Jawaari, waxaana dhaqaalaha mooshinkan ku baxaya wax badan ka tari karaan baahiya dad badan oo oon iyo baahi u dhimanaya

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

COVID-19: Kiisaskii ugu badnaa sanad oo 24 saac gudahood laga diiwaan geliyey Somalia

Caydiid Ali

Dowlad ka laabatay Maalinta Dabaal-dega Laab gelinta Lo’da iyo Sababta keentay (Sawirro)

Cabdi Cade

Al Shabaab oo shaacisay in Ciidamo Mareykan ah ku dileen Weerar is qarxin oo ka dhacay …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---