Allbanaadir.com
NEWS

Qarax aad u xoogan oo goordhaw lagu weeraray xarunta Degmada Wardhiigley

Waxaa goordhaw qarax aad u xoogan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu weeraray xarunta Degmada Wardhiigley.

Jugta qaraxa ayaa ahaa mid culus oo laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho, waxaana wararka soo baxaya sheegayaan in gaariga qarxay xoog ku galay albabaka xarunta degmada Wardhiigley.

Waxaa goobta uu qaraxu ka dhacay gaaraya gaadiidka gurmadka deg dega, waxaa sidoo kale goobtaasi xiray ciidamada booliiska oo dadweynaha u diidaya in ay usoo dhawaadaan goobta uu qaraxu ka dhacay.

Khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac ayaa lasoo sheegayaa in qaraxa uu ka dhashay, waxaana wali adag in la ogaado inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay qaraxan goordhaw dhacay.

Waxii warar ah ee kusoo kordha qaraxa kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

 

Related posts

Madaxweyne Siciid Deni oo abaabul dagaal ka wada gobolka Bari

Cabdi Cade

Itoobiyaanka jooga Garawe oo lagu amray in ka baxaan magaalada hanjabaadna loo diray

Cabdi Cade

Dowladda oo Shaacisay in la dilay Horjooge katirsan Al Shabaab oo si weyn loo raadinayay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---