Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne caan ahaa oo loo xiray Lacag uu ka helay Mucamar Gaddafi

Madaxweynihii hore ee dalka Faransiiska Nicolas Sarkozy ayaa maanta xabsi loo taxaabay, kadib markii lagu helay dambi ah in uu lacag ka qaatay Madaxweynihii hore ee dalka Liibiya Mucamar Gaddafi.

Booliiska ayaa la sheegay in ay Su’aalo weediinayaan Madaxweynihii hore ee dalka Faransiiska lacago laaluush ah oo la sheegay in uu ka qaatay Madaxweynihii hore Liibiya Gaddafi sanadkii 2007-dii.

Nicolas Sarkozy ayaa Lacag gaareysa 50 milyan oo Euro ka qaatay Madaxweynihii hore ee dalka Liibiya, waxaana la sheegay in xiligaasi Sarkozy uu ku jiray ololihii doorashada Madaxtinimo ee dalka Faransiiska.

Wiilka uu dhalay Madaxweynihii hore ee dalka Liibiya Seyful Islam Gaddafi ayaa horey u sheegay in uu hayo xog cadeenaysa lacagtii ay siiyeen Nicolas Sarkozy xiligii uu doorashada ku jiray sanadkii 2007-dii.

Waxaa xaalka uga sii daray xog uu Warbaahinta siiyey Maalqabeen Faransiis ah oo asal ahaan kasoo jeeda Lubnaan , kaasi oo ahaa ninkii isku xiray Qadafi iyo Sarkozy , ninkan ayaa xaqiijiyey in malaayiin dollar uu Sarkozy ka helay dowlada Qadafi xiligii uu u tartamayey Madaxweynaha.

Madaxweynihii hore ee dalka Faransiiska ayaa horey u beeniyay eedahan loo soo jeediyay, waxa uuna hada Sarkozy hada wajahayaa baaritaano adag oo la xariira kiiskan saakay loo xiray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland oo lagu casuumay Shir muhiim ah oo ka dhacaya Turkiga (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Al-Hassan Abdul Aziz oo loo gacan geliyey Maxkamadda caalamiga ah ee dembiyada dagaalka

Caydiid Ali

Erdogan oo hal arrin ugu goodiyey Yurub, haddii ay fulin waayaan dalabkiisa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---