Allbanaadir.com
NEWS

Malaga yaabaa in Wasiir Goodax isku casilo Fadeexada taagan darteed ?

Wasaarada Waxbarashada Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa fadeexad dhaxda kaga jirta kadib markii Imtixaanka shahaadiga ee Dugsiga sare uu banaanka yimid ayna wada heleen ardaydii Imtixaanka galeysay.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumada Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Bare ayaa qiray fadeexada taagan ee ah in ardayda heleen imtixaankii Wasaaradiisu diyaarisay, waxa uuna Wasiirka fashilkaasi ku eedeeyay hal goob uu sheegay in qishka laga bixiyay.

Cabdulaahi Goodax marnaba wasaaradiisa ma qaadan masuuliyada fadeexada taagan, waxa uuna Wasiirka isaga iyo wasaaradiisa ka fogeeyay fadeexada ka dhalatay Imtixaanka su’aalihiisa banaanka la keenay ee ugu dambeyn sababay in la joojiyo imtixaanka.

Sanadkii 2014-kii waxaa is casilay Wasiirkii Waxbarashada Kooriyada Koonfureed Hwang Woo-yea, kadib markii maktabadii daabaceysay Imtixaanka ay khaladay labo kamid ah su’aalihii Imtixaanka.

Shacabka iyo aradayda ayaana cabashada su’aalahaasi khaldamay ka gudbiyay Warbaahinta , waxa ayna taasi keentay in Wasiirka is casilo isagoona eeda khalaadka dusha saartay, marna Wasiirka khaladka dusha kama saarin Maktabadii daabacday .

Soomaaliya lagama sugayo in Wasiir ama masuul kalaba uu isku casilo fadeexad hareesay Wasaarada ama goobta uu joogo, waxaana Soomaaliya caado ka noqotay hadii boqolaal dhintaan ama malaayiin la xado in masuulka xilkiisa sii joogo ilaa laga qaado ama la qasbo

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdulaahi Goodax lama filayo in uu isku casilo fadexada hada taagan, wasiirka durba fadeexada waxa uu dusha ka saaray dhinacyo kale isagoona ugu baaqay Hay’ada amaanka in dadkaasi soo xiraan.

Arday badan oo maanta banaan bax ka dhigay magaalada Muqdisho waxa ay ugu baaqeen Wasiirka Waxbarashada in uu is casilo, hasa ahaatee dalabkaasi maahan mid u roon dhagaha Wasiirka sidoo kale lama filayo in qaato masuuliyada khaladka dhacay.

Imtixaanka Shahaadiga ee qaado Wasaarada Waxbarashada oo soo socday sanadihii ugu dambeeyay ma dhicin fadeexadan hada taagan oo kale, waana markii ugu horeesay ee lawada helo qishka imtixaankii Wasaarada diyaarisay sidoo kale la joojiyo imtixaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xaafad hal waddo dhinacyadeeda looga nool yahay oo dad badan soo jiidatay (Sawirro)

Cabdi Cade

Maraykanka oo baahiyey Warbixin sir ah oo ku saabsan walxo duula oo la garan waayey

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo la sheegay in uu ku jiro Dabin siyaasadeed oo taxadar u baahan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---