Allbanaadir.com
NEWS

Yaa run sheegaya Xildhibaanada Jawaari Mooshinka ka wada iyo kuwa difaacaya ?

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xiligan u qeybsan labo garab, Xildhibaano taageersan Mooshin xilka looga tuurayo Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Xildhibaano mooshinkaasi kasoo horjeeda.

Labada garab ee Xildhibaanada iska soo horjeeda ayaa habeen iyo maalin  kulamo iska soo horjeeda ku yeesha hoteelada Muqdisho, waxa ayna koox walbo kawada hadlaan ololahooda iyo halka uu marayo.

Xildhibaanada taageersan Mooshinka Jawaari laga gudbiyay iyo kuwa difaacaya ayaa xili kasta kasoo muuqda Warbaahinta, waxa ayna koox waliba sheegeysaa war aad u fiican balse fahankeedu dadku ku wareereen.

Xildhibaanada taageersan Mooshinka oo shalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho waxa ay sheegeen in ay ka badan yihiin 190-xildhibaan, waa tiro ka badan inta kalsoonida kala noqaon karta Jawaari.

Waxa ay Xildhibaanadan sheegayaan in Jawaari xilka laga tuurayo ayna yartahay rajada uu kusii ahaan karo Gudoomiyaha Baralamaanka, waxa ayna ka codsadeen Gudoomiyaha inta Baarkamaanka hortiisa kalsoonida uusan ku weyn in uu is casilo.

Sidoo kale Xildhibaanada taageersan Jawaari ayaa iyaguna sheegayaa war taa ka bedelan , waxa ayna sheegayaan in tirada mooshinka wada inta lagu sheegay ka yar yihiin  iyaguna heestaan tiro badan oo ay ku difaaci karaan Gudoomiyaha Baarlamaanka .

Shacabka Soomaaliyeed ayaa ku jahwareersan sida uu xaalku yahay iyo waxa ka run ah hadalada iska soo horjeeda ay Warbaahinta kasii deynayaan Xildhibaanada xiligan labada garab u kala jabay.

Baraha bulshada gaar ahaan Facebook ayaa si weyn u qabsaday dooda mooshinka laga gudbiyay Jawaari, waxa ayna shacabka Soomaaliyeed iyaguna u kala qeyb sameen sadex garab kuwa taageersan mooshinka, kuwa kasoo horjeeda iyo kuwa dhax dhaxaad ka ah.

Mooshinkan laga gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa la filayaa in maalmaha soo aadan warkiisu soo dhamaado, waxa ayna sheekadu kusoo dhamaan kartaa in Jawaari xilka laga qaado iyo in uu ka bad baado mooshinka awood cusubna uu lasoo baxo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Itoobiya oo xireysa Safaaradeeda Masar iyo Sababta oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo Daahfuray Tartanka Kubada Cagta ee Kooxaha Jubbaland (Sawirro)

Cabdi Cade

Sii-hayaha Duqa Muqdisho oo Magacaabay guddi ka kooban Sagaal xubnood (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---