Allbanaadir.com
NEWS

Wado Muhiim ah oo kutaala Muqdisho oo maanta dib loo furay (Daawo Sawirada)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo ayaa  dib u furay waddada hor-marta Xerada Gaadiidka Booliska ee Degmada Cabdicasiis, waxa uuna sheegay inuu qorshuhu yahay in dib loo furo dhammaan waddooyinka kale ee xiran, si loo fududeeyo isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka Caasimadda.

Eng. Yarisow ayaa uga mahad celiyey Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ogolaanshahooda ay wadadan ku fureen, si ay qeyb uga qaadato horumarka iyo bilicda Caasimadda, waxuuna tilmaamay in tallaabadan ay xigi doonto furitaanka wadada hormarta xarunta Danbi baarista ee (C.I.D), taasoo muhiim u ah isku socodka magaalada.

“Tani waa bilow waxaan ku soconnaa in dhammaan waddooyinka xiran loo furo shacabka, si loogu fududeeyo isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka Caasimadda, intii amni looga maari waayo mooyee, sidaas daraadeed, shacabka waxaa laga rabaa in ay isku diyaariyaan dhismaha waddooyinka. Ciidanka Booliskana waxaan uga mahadcelinaynaa sida ay nooga aqbaleen codsigeena una fureen waddadan.”Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Duqa Muqdisho waxuu sheegay in furitaanka waddooyinka ay kaalin muhiim ah ka qaadan karaan Amniga iyo horumarka Caasimadda, shacabka Soomaaliyeed-na looga fadhiya in doorkooda ay ka qataan sidii ay magaalada Muqdisho ula tartami lahayd Caasimadaha kale ee adduunka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa baaq u diray Ganacsatada iyo Shacabka xirtay waddada dhinacyadeeda ee dhulka danta guud ah, isagoo xusay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cidii arrimahaas lagu helo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Diyaarad Rakaab oo Waqtigii ugu dheeraa hawada ku jirtay oo New Yourk ka degtay (Sawirro)

Cabdi Cade

Meydka Sargaal Kenyan ah oo la tuhmayo in ay dileen Al Shabaab oo la helay

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo Madaafiic ku weerartay saldhig ay degan yihiin Ciidamo Maraykan ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---