Allbanaadir.com
NEWS

Faahfaahino ka soo baxaya dagaalo culus oo caawa ka dhacay degmada..

Dagaal aad u culus ayaa caawa ka dhacay degmada Buur-dhuubo oo ka tirsan gobolka Gedo kaasoo u dhexeeyey ciidamada dowlada iyo xoogaga Al-Shabaab.

Sida Wararku sheegayaan dagaalkan ayaa bilowday caawa maqribkii ka dib markii dagaalyahano fara badan oo ka tirsan Al-shabaab ay dhowr jiho ka soo weerareen degmadaas.

Ciidamada dowlada ee degmada ku sugnaa ayaa la sheegay iska caabin kala hortageen xoogagii weerarka soo qaaday, waxaana labada dhinac halkaas ku dhexmaray dagaal qaraar oo soo gaaray illaa caawa saqdii dhexe.

Goob-joogayaal ku sugan degmada Buur-dhuubo ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay gudaha u soo galeen degmadaas si xoogana loogu dagaalamay bartamaheeda.

Wararka degmadaas ka imanaya ayaa sidoo kale sheegaya in Xoogaga Al-Shabaab ay cagta mariyeen saldhig ciidamada dowladu ku lahaayeen duleedka degmadaas.

Abaanduulaha qeybta 43aad ee ciidanka Xoogga dalka Cusmaan Xaaji Aadan ayaa sheegay in Ciidamada dowladu iska difaaceen weerarka Al-Shabaab ku soo qaadeen Buurdhuubo, isagoo meesha ka saaray Wararka sheegaya in degmadaas la qabsaday.

Weerarkaas ayuu sidoo kale sheegay iney fashiliyeen, khasaare xooggana u geysteen Al-shabaab, isagoo tilmaamay inay ku dileen 13 dagaalyahan, kana gubeen gaadiid dagaal.

Al-Shabaab wax war kama soo saarin dagaalkan hase ahaatee Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya degmada Buurdhuubo ayaa sheegaya in xaaladu ay hadda degan tahay ayna degmadaas si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada dowladda, iyadoo xoogagii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday ay dib uga baxeen, waxaana la dareemayaa xiisad colaadeed iyo cabsi fara badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
  

Related posts

Milatariga Soomaaliya oo sheegay in ay qabteen rag katirsan Amniyaadka Al Shabaab

Cabdi Cade

Md ka mid ah Telefishinada Soomaalida oo laga mamnuucay Puntland (Akhriso)

Caydiid Ali

Rasaas dhimasho & dhaawac sababtay oo lagu furay gaari rakaab ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---