Dowlada Saudi Arabia ayaa sheegtay in laba ka mid ah maraakiibteeda saliidda qaada ay waxyeello xooggan kasoo gaartay weerar arbushaad ah oo loogu gaystay xeebta Imaaraadka Carabta.
Ilaa hadda wax faahfaahin ah lagama bixin waxyeelada la sheegay in maraakiibta ay gaartay balse Wasiirka tamarta Sacuudiga ayaa sheegay in mid ka mid ah maraakiibta la weeraray uu ku socday dekedda Ras Tanura, sii uu uga soo qaado saliid la gayn lahaa Mareykanka.
Dowladda Mareykanka ayaa maanta soo saartay digniin ku aaddan ficillo lagu arbushayo maraakiibta ku safarta xeebaha Imaaraadka Carabta.
Digniintan ayaa timid xilli ay sare usii kacayso xiisad ka dhex ooggan Mareykanka iyo Iran.
Imaaraadka Carabta aya sidoo kale shalay sheegay in afar markab oo ganacsi weerar arbushaad ah loogu gaystay meel ku dhow biyaha Gacanka Cuman, hase yeeshee ma bixin wax faah-faahin ah.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Iran, Abbas Mousavi ayaa sheegay in weerarada lagu qaaday maraakiibta ay yihiin “kuwa lagu baraarugo oo laga qoomameeyo”.
Waxa uu ku baaqay baaritaan lagu sameeyo weerarada, waxaana uu ka digay gacmo shisheeye oo halis faraha la galaya, si ay u arbushaan ammaanka badda.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com