Allbanaadir.com
NEWS

Askar katirsan Ciidamada AMISOM oo isku dishay gudaha Xerada Xalane

Faah faahino ayaa kasoo baxaya toogasho ay isku geesteen ciidamo katirsan  AMISOM oo maalintii sabtida ka dhacday gudaha xarunta Xalane oo ah taliska ugu weyn ee Ciidamada AMISOM.

Askari katirsan ciidamada AMISOM iyo sargaal kormeere u ahaa ayaa la sheegay in uu khilaaf iyo muran soo dhax galay , waxa ayna arintaasi keentay in askariga toogto sargaalka ay murmeen.

Waxaa sidoo kale la sheegay in askariga uu sidoo kale toogtay labo askari kale oo ka agdhaweyd, askariga toogashada geestay ayaana ugu dambeyn isaga la sheegay in goobta uu isku dilay.

Afhayeen u hadlay ciidamada Uganda oo lagu magacaabo Brig Richard Karemire ayaa xaqiijiyay in toogasho isku geestay askar katirsan ciidamada AMISOM, waxa uuna cadeeyay in aysan wali ogeyn sababta keentay toogashada.

Waxa uu sheegay Afhayeenka Ciidamada Uganda in ay socdaan baaritaano lagu ogaanayo waxa keenay in ay is toogtaan ciidamo katirsan Uganda oo howlgal nabad ilaalin ah u jooga Soomaaliya, mana sheegiin Afhayeenka magacyada askarta geeriyootay.

Ciidamo katirsan AMISOM ayaa sidan oo kale horey isugu dilay qaar kamid ah xeryaha ay ku leeyihiin gudaha Soomaaliya, waxaana isku dhaca ciidamada la sheegaa in uu ka dhasho khilaaf soo kala dhax gala .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Meydka nin ka lusha baalle Koronto oo saaka lagu arkay duleedka Muqdisho

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo goor dhow ka hadashay in beri ay Ciid tahay iyo in kale

Caydiid Ali

Jabhadaha TPLF iyo OLF-Shane oo sameystay isbaheysi cusub duulaana ku ah Adis Ababa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---