Xildhibaanada taageersan Gudoomiyaha Baralamaanka Soomaaliya kana soo horjeeda mooshinka laga keenay ayaa sheegay in ay isku dhaarsadeen sidii loo bad baadin lahaa Gudoomiyaha Mooshinka kalsooni kala noqoshada uu ka yaalo.
Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Xildhibaanada hiilka u muujinaya Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in Xildhibaano badan isku dhaarsadeen bad baadinta Jawaari iyo sidoo kale Baarlamaanka.
Waxa uu sheegay Xildhibaankan in Xukuumada Soomaaliya weerar kusoo qaaday Baarlamaanka iyo Gudoomiyahooda, waxa uuna cadeeyay in ay difaaci doonaan Gudoomiyaha kana hortagi doonaan weerarka uu sheegay in lagu soo qaaday.
” Xildhibaanada Baarlamaanka aqlabiyaooda waxa ay isku dhaarsadeen bad baadinta Jawaari iyo Baarlamaanka, Baarlamaanka waxaa lagu soo qaaday weerar sharci daro ah” Ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.
Xildhibaanada taageersan Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa la sheegay in ay u badan yihiin Xildhibaano horey dowlada Mucaarad ugu ahaa, waxa ayna Xildhibaanadan mar walbo jecel yihiin ka faa’iideesiga xiisada taagan.
Sida aan Wararka ku helnay Xildhibaanada Kooxda Daljir ayaan Jaceyl u qabin Gudoomiyaha Baarlamaanka, balse waxa ay hada ula safteen kaliya in ay ka faa’iideestaan xiisada taagan iyaga oo tuhun ka qaba in Xukuumada Mooshinka gadaal ka riixeyso .
Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa aqbalay mooshinka ay ka gudbiyeen Xildhibaano aad u tiro badan, waxaana la filayaa in maalmaha soo aadan mooshinkan lagu kala baxo loona qaado cod.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com