Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo iyo Jawaari oo kulmay iyo Nuxurka waxii ay ka wada hadleen

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya, waxa ayna kawada hadleen xiisada siyaasadeed iyo mooshinka laga keenay.

Madaxweynaha ayaa dhageestay cabashada Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Xukuumada ku eedeeyay in iyadu masuul ka tahay mooshinka laga gudbiyay, waxa uuna Jawaari u sheegay Madaxweynaha in uu aqbalay mooshinka diyaarna u yahay in cod loo qaado.

Gudoomiyaha Baarlmaaanka ayaa ka codsaday Madaxweynaha in mooshinka la guda galo si deg deg ah si arintan meel ugu dhacdo, waxa uuna sheegay in xeer hoosaadka Baarlamaanka dhigayo in mooshinka 10-cisho gudahood xal looga gaaro.

Jawaari ayaa sidoo kale cabasho ka dhan ah ciidamo la sheegay in ay la wareegeen xarunta Baarlaaanka u gudbiyay Madaxweynaha, waxa uuna dalbaday in Ciidankaasi meesha laga qaado laguna soo celiyo xarunta ciidankii horey u joogay.

Ugu Dambeyn Jawaari ayaa ka codsaday Madaxweynaha in xarunta Baarlamaanka lagu casuumo dad dhax dhaxaad ah sida xubnaha Aqalka sare ,qeybaha kala duwan ee bulshada si ay marqaati uga noqdaan marka codka loo qaadayo mooshinka laga gudbiyay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhamaan dhageestay cabashada iyo codsiyada Gudoomiyaha Baralamaanka, waxa uuna u sheegay GUdoomiyaha  in uu dhax dhaxaad ka yahay waxa socdo uuna raali ka yahay in sharciga lagu kala baxo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dib u dhac ku yimid saxiixa Xirmooyinka Shidaalka (Maxaa soo kordhay)

Caydiid Ali

(Sawirro) DF oo qalab muhiim ah u qeybisey Masaajido ku yaalla Muqdisho

Caydiid Ali

Dowlada Sacuudiga oo isu diyaarinaysa iney qirato dilka Suxufiga Jamal Kashoqgi

Caydiid Ali
Taboola Ads ---