Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay tahay sababta Kenya u hakisay duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho & Nairobi?

Dowladda Kenya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay sababta ay u joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi.

Kenya ayaa arrimo amni ku sheegtay sababta ay u hakisay duulimaadyadii tooska ahaa ee isaga gooshi jiray labada dal.

Jimcihii hore ayay ahayd markii ay joogsadeen duulimaadyadii tooska ahaa magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi iyadoo Kenya ku wargalisay dowlada Soomaaliya in diyaaradaha kasoo baxa Soomaaliya ay tagi doonaan magaalada Wajeer ee waqooyi bari dalka Kenya si halkaas loogu baaro ka hor inta aysan gaarin Nairobi.

Gilbert Kibe, oo ah madaxa guud ee waaxda duulimaadyada dalka Kenya ayaa wargayska Daily Nation u sheegay in sababta ka dambeysay in la hakiyo duulimaadyadii Muqdisho iyo Nairobi ay tahay sababo amni.

Kenya ayaa ku wargalisay 9-kii bishan Wasaarada duulista Soomaaliya inay hakineyso duulimaadyadii Muqdisho iyo Nairobi iyadoo wareegatadaasi lagu  sheegay inay sii socondoonto xayiraada tan iyo 9-ka bisha August ee sandkan 2019.

Dowlada Soomaaliya oo ka carootay talabadan, iyadoo mid siyaasadeysan ku tilmaantay go’aanka ay dowlada Kenya ku joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ma dhab baa in Sacuudigu ku lug lahaa afgembigii la fashiliyey ee Jordan?

Caydiid Ali

Senators-ka Maraykanka oo isku raacay in Max’ed Bin-Salman uu ka dambeeyey dilkii Khashoggi

Caydiid Ali

YAAB: Coronavirus oo sabab u noqday farxada kumanaan qof & sababta ka dambeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---