Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Xuutiyiinta Yemen oo iskood uga baxay Magaalo dagaal looga saari waayey

Dagaalyahanada Xuutiyiinta Yemen ayaa maanta billaabay inay ka baxaan dekadaha Saleef iyo Ras Issa ee gobolka Xudeyda.

Tallaabadaan ayaa loo arkaa mid looga dhabeynayo heshiiskii ay QM ay kala dhex-dhigtay Xuutiga iyo Isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudiga ee isku haya dagaalka Yemen.

Xudeyda ayaa ah halka ay badeecooyinka dibadda iyo gargaarka bani’aadannimo ka galaan Yemen, waxaana ay muhiim u tahay nolosha malaayiin reer Yemen oo hadda qarka u saaran macluul.

Madaxa guddiga kacaanka ururka Xuutiyiinta Yemen Mohammed al-Huthi, ayaa sheegay in dagaalyahannadu ay billaabeen inay ka baxaan magaalada.

Wuxuu sheegay in mucaaradka ay si hal dhinac ah uga baxayaan Xudeyda, kaddib marki ay ciidamada dowladda ee taageerada ka helaya Sacuudiga ay marar badan dib u dhigeen ka bixidda magaalada, taasoo qeyb ka aheyd haeshiiskii dalka Sweden.

Qaramada Midoobay oo Jimcihi sii sheegtay ka bixista Xudeyda ee ciidamada mucaaradka, ayaa sheegtay in Xuutiyiinta ay dhameysti doonaan ka bixisita Xudeyda iyo labada dekedood oo u dhaw, maalinta Talaadada ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Boqolaal qof oo iskugu soo baxay jidadka burbursan ee Gaza (Sawirro)

Caydiid Ali

Darawalkii Madaxweyne Farmaajo oo la sheegay in uu isku dhiibay kooxda Al Shabaab !

Cabdi Cade

War cusub oo ka soo kordhay xarig Itoobiya loogu geystay weriyeyaal uu ku jiray Coldoon

Caydiid Ali
Taboola Ads ---