Kooxo hubeysan ayaa caawa qeybo ka mid ah degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir ku toogtay sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.
Sarkaalka oo Magaciisa lagu soo koobay Yuusuf ayaa la sheegay in xiliga la dilayay uu ku sugnaa goob Ganacsi oo ku taalla xaafada Macalin Nuur ee degmada Dharkeynley.
Goob-joogayaal ayaa sheegay in kooxdii ka dambeysay dilka Sarkaalka ka tirsanaa Ciidamada Milateriga Soomaaliya ay goobta isaga baxsadeen.
Daqiiqado ka dib sida caadada waxaa halkaas gaaray ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya oo halkaas ka sameynaya howlgalo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey dilkaas.
Dilkan ayaa noqonaya kii labaad oo 24 saac gudahood ka dhaca Magaalada Muqdisho shalay ayeyna aheyd markii xaafada Taleex ee degmada Hodan lagu dilay Nabadoonka lagu Magacaabi jiray marxuum Axmed Cabdulle Jimcaale oo ka tirsanaa waxgaradka gobolka Hiiraan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com