Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaanada Mooshinka ka geeyey Guddoomiye Jawaari oo bilaabay olole cusub

Olole cusub ayaa ka bilowday Magaalada Muqdisho kaasoo ay wadaan xildhibaanadii mooshinka ka keenay Guddoomiyaha Baarlamanka Somalia Maxamed Cismaan Jawaari.

Xildhibaanadan Mooshinka geeyey oo ka badan boqol iyo xildhibaano kale oo gadaal ka taageeray ayaa bilaabay olole siyaasadeed oo ay ku xoojinayaan codadkooda si mooshinkan loogu guuleysto.

Arintan ayaa timid ka dib markii Gudoomiyaha xaalku ku xun yahay ee Baarlamanka Jawaari uu si cad ugu shaaciyey galabta inuusan iscasileyn, uuna diyaar u yahay in la guda galo mooshinka laga keenay, isagoo intaas ku daray inuu ku baxayo codkii uu markii hore ku yimid.

Xildhibaanada saxiixay Mooshinka iyo kuwa taageersan ayaa la xaqiijiyey iney ka badan yihiin 170, iyadoo marka mooshinkan loo codeynayo loo baahan yahay 184 cod si meesha looga saaro jawaari.

Hotelo ku yaalla magaalada ayaa waxaa ka bilowday olole lagu doonayo in lagu kasbado xildhibaano aan weli meelna raacin iyo kuwa taageersan Jawaari si looga dhaadhiciyo iney taageeraan mooshinka, iyadoo ololahan hadda bilowday ii sii xoogeysan doono maalmaha soo socda sida la filayo.

Dhinaca kale, Guddoomiye Jawaari ayaa warar la helayo waxay sheegayaan inuu qaatay talooyin ay soo siiyeen Xildhibaano horeyba mucaarad ugu ahaa Xukuumada RW Khayre oo shalay uu kulan gaar ah  la qaatay.

Xildhibaanadan mucaaradka ah ayaa kula taliyey Guddoomiye Jawaari inuusan iscasilin oo uu dagaalamo illaa daqiiqada u dambeysa, iyagoo ka dhaadhiciyey in kooxda mooshinka wada ay ku adkaan doonto iney helaan 184 si ay isaga meesha uga saaraan, waana taas sababta keentay inuu ku dhiirado shirka jaraa’id ee uu galabta ku sheegay inuu ogol yahay codka xildhibaanada in lagu kala baxo.

Qaar ka mid ah xildhibanada mooshinka keenay ayaa sheegaya iney ku kalsoon yihiin 184 cod iney heli doonaan si Jawaari kursiga looga kiciyo ayna heystaan codad aad ugu dhow tirada loo baahan yahay.

Waxaa guud ahaanba shaqeyn waayey dedaalo ay wadeen madaxda sare ee dowlada iyo wakiilada beesha caalamka kuwaasoo lagu doonayey in xal loogu helo xiisada siyaasadeed ee ka dhex aloosan Baarlamanka.

Mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay noqday hadal heynta ugu wayn ee dadka Soomaaliyeed, Culumada, Siyaasiinta iyo qaybaha kale ee Bulshada ayaa Madaxda Dowladda ku booriyay in ay jawi degan oo wadahadal ah ku dhameestaan khilaafka taagan oo hadda ku shubtay in lagu kala baxo codadka xildhibaanada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kim John Un oo xukun daldalaad ah ku fuliyey 30 Sarkaal

Caydiid Ali

Hogaamiyaha Xuutiyiinta oo ku goodiyey in la tirtirayo Israel

Caydiid Ali

Somalia oo loo ansixiyay muddo kadib dhaqaale looga jawaabayo COVID-19 & Warar kale

Caydiid Ali
Taboola Ads ---