Allbanaadir.com
NEWS

Tirakoob laga soo saaray Soomaalida qaadatay dhalashada dalka Norwey (Akhriso)

Norway ayaa soo bandhigtay Qowmiyadaha qaatay Baasaboorka dalkaasi ee noqday Norwijiyan.

Dowlada ayaa sheegtay in 12,500 oo dad ah ay qaateen baasaboorka muwaadinimo sanadkii la soo dhaafay.

Soomaalida ayaa kaalinta labaad ka galay Dadka helay Basaboorka weyn ee Muwaadinimo dalka Norwey, waxaana sanadka la soo dhaafay qaatay baasaboorka illaa 1,753 Soomaali ah waxaana ka horeeya oo kaliya Qowmiyada Eriteria oo kaalinta 1aad gashay.

Hoose Qaabka loo kala horeeyo.

1-Eriteria 3,000 kun.

2-Somalia 1,753 kun.

3-Thailand 1,649 kun oo muwaadin noqotay.

Norway ayaa ka mid ah dalalka aan laga ogolayn inuu qofka heysto labo sharci inkastoo Dalalka kale la ogol yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliye cusub oo loo magacaabay qeybta 27aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyed (Akhriso)

Caydiid Ali

Buuq iyo Fowdo ka dhacay xarunta Midowga Afrika intii shirka socday iyo muuqaal…

Cabdi Cade

Itoobiya in ay bad hesho maxay uga dhigan tahay dalalka deriska la ah ? (Wax badan Ogow)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---