Allbanaadir.com
NEWS

Halkee buu marayaa dhaqdhaqaaqa dowladu kaga hortegeyso Shirkadda DP World?

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mukhtaar Mahad Daa’uud ayaa sheegay inuu meel wanaagsan marayo dhaqdhaqaaqa ay dowladdu ku difaacayso damaca Shirkadda DP-World.

Waxaa uu sheegay in howluhu yihiin kuwo siyaasasadeed balse uusan ka hor dhacayn, isagoo xusay mar kale inaysan marnaba ka gor-gortamayn midnimada iyo wada jirka Soomaaliyeed oo uu yahay lama taabtaan.

“Markii ugu horreysay ee ay arrintani soo baxday wuxuu Wasiirka wasaaradda aaday Qaahira, Jaamacatul Carab ayuu khudbad ka jeediyay fekerka Soomaaliya iyo mabaadii’da Soomaaliyana ayadoo qoraal ah ayuu u gudbiyay arrintaasi way socotaa Dublomaasiyad weeye kama hordhacayo laakiin arrinta Soomaaliya waa lama taabtaan” ayuu yiri wasiir ku xigeenka.

Wuxuu sheegay Wasiirku inay Diblomaasiyaddu tahay siyaasad iyo deggenaasho, balse aysan adeegsan doonin laab la kacnimo, ayna adeegsan doonaan deggenaasho iyo ka fiirsasho, wuxuuna ku cel-celiyay inaysan Soomaaliya marna taako ka mid ah Dhulkeeda ay ka tagayn, Dowladdana ay howshaasi waddo.

Wasiir ku xigeenka ayaa dhanka kale sheegay xurgufta soo kala dhex gashay Dowladda Federaalka iyo Shirkadda DP World inaysan wax u dhimi doonin wada hadalladii kala dhexeeyay Somaliland, wuxuuna intaa raaciyay inay wada hadalkan gar wadeen ka tahay Dowladda Turkiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliiska Mareykanka oo shaaciyay Muuqaal la xiriira dilkii Sheekh Maxamed Xassan

Cabdi Cade

Xil ka qaadis maanta lagu sameeyay Cabdi Maxamed Rodol (Akhriso Digreeto)

Cabdi Cade

Munaasabad weyn oo caawa ka dhaceysa Madaxtoyada Somalia & Xassan Shiikh oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---