Sargaal la sheegay in uu katirsanaa Al Shabaab una qaabilsanaa sameynta qaraxyada ayaa isku soo dhiibay ciidanka Milatariga Soomaaliya gaar ahaan Taliska Qeybta 60-aad ee ciidanka .
Abaanduulaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Milatariga Soomaaliya Ismaaciil Khaliif Shire ayaa sheegay in uu isku soo dhiibay Sargaal katirsanaa Al Shabaab uu magaciisa ku sheegay Caddow Macalin Isxaaq.
Waxa uu ugu baaqay Abaanduulaha saraakiisha iyo dagaalyahanada kale ee Al Shabaab in ay isku soo dhiibaan dowlada kana faa’iideestaan cafis dowlada Soomaaliya horey ugu fidisay.
Sargaalkan kasoo goostay Al Shabaab Caddow Macalin Isxaaq ayaa sheegay in uu u qaabilsanaa Al Shabaab sameynta qaraxyada, waxa uuna tilmaamay in uu kasoo howl galay gobolo badan oo Banaadir ku jirto.
Ninkan ayaa sheegay in uu go’aansaday in uu isaga soo baxo Al Shabaab iskuna dhiibo ciidanka dowlada, waxa uuna sheegay in uu ka xumaaday qaraxii Soobe ka dhacay sanadkii hore sidaasna uga soo baxay kooxda Al Shabaab.
Dowlada ayaa marar badan gobolada dalka ay ka maamusho kusoo bandhigtay saraakiil iyo dagaalyahano la sheegay in ay kasoo goosteen Al Shabaab, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Al Shabaab oo ku aadan xubnahan la sheegay in ay kasoo goosteen.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com