Wasaarada Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya ayaa shaacisay in dhawaan dalka uu ka bilaabanayo howlgal ka dhan ah dagaalyahanada Al Shabaab, waxaana howlgalkan hogaamin doona Madaxweyne Farmaajo.
Wasiirka Gaashaandhiga xukumadda Soomaaliya Maxamed Mursal shiikh C/raxmaan ayaa sheegay in la diyaariyay ciidamo isku dhaf ah oo loogu tala galay in ay ka qeyb qaataan howlgal ka dhan ah Al Shabaab.
Waxa uu sheegay Wasiirka in howlgalkan cusub ee dhawaan bilaabanaya uu wax badan kaga duwan yahay kuwii hore, waxa uuna tilmaamay in howlgalkan uu hogaamin doono Madaxweynaha Soomaaliya.
” Howlgalkan wax badan ayuu ka duwan yahay kuwii horey dalka looga fuliyay, waxaan idin sheegayaa howlgalkan bilaabanaya waxaa hogaamin doona Madaxweynaha, howlgalkan waxaa ka qeyb qaadanaya ciidanka kala duwan ee dowlada sida Milatari, Nabad sugid iyo booliis ” Ayuu yiri Wasiir Mursal.
Waxa uu sheegay Wasiirka Gaashaandhiga in horey ciidamada dowlada markii ay dhul ka qabsadaan Al Shabaab laga soo laaban jiray, waxa uuna hada tilmaamay in howlgalkan ka duwan yahay kuwii horey goobtii Shabaab laga qabsadana ciidamo la dhigi doono.
“Waxaa horey u dhacday inta ciidamada deegaano iyo degmooyin ay Shabaab ka saareen laga soo noqday, howlgalkan wuu ka duwan yahay kuwii hore ,meeshii ay xoreeyaan ciidanka waxaa la dhigi doono ciidamo loo diyaariyay in ay xaqiijiyaan amaankeeda” Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga.
Madaxweynaha ayaa maalmihii ugu dambeeyay xarun ka dhigtay Wasaarada Gaashaandhiga, waxa uuna intii uu joogay Wasaarada isbadalo badan ku sameeyay hogaanada ciidanka si loo bilaabo howlgal uu Madaxweynaha hogaaminayo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com