Maamulka Hirshabelle ayaa si lama filaan ah dhawaan Gudoomiye kuxigeen degmo u magacaabay wiil 16-sano jir ah , xili wiilkaasi uusan ka war qabin wax wada tashi ahna aan lagala sameyn xilkaasi loo magacaabay.
Faysal Cabdulaahi Cumar oo ah 16 sano jir ah kuna nool Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle ayaa loo magacaabay in uu noqdo Gudoomiye kuxigeenka Gamboole oo dhawaan Degmo u aqoonsatay maamulka Hirshabelle.
Wiilkan oo dhigta fasalka afaraad ee dugsiga sare Iskuulka Sheekh Xasan Barsane ee magaalada Jowhar ayaa sheegay in lama filaan ku noqotay xilka loo magacaabay, waxa uuna sheegay in aan lagala tashan xilkan loo magacaabay.
Faysal ayaa sheegay in Ugaaska beeshooda u yimid aabihiis kana codsaday in uu ka qeyb galo Siminaar, waxa uuna sheegay markii uu siminaarka dhameestay kadib in lagu war galiyay in loo magacaabay Gudoomiye kuxigeenka Arimaha bulshada Gamboole.
Waxa uu sheegay wiilkan in xiligan uu lasoo darsay wal wal xoogan uuna dareemayo cabsi, waxa uuna intaa ku daray in xilka loo magacaabay aan lagala tashan xiligaana uusan diyaar u aheyn in uu xilkaasi qabto uuna cadeenayo in uu is casilay.
Maamulka Hirshabelle ayaa dhawaan u magacabay Gamboole Gudoomiye iyo kuxigeenadiisa, waxaana xusid mudan in Gamboole ay ka taliyaan Al Shabaab ayna tahay halka looga yeero Ganacsatada Jowhar .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com