Dowlada Kenya ayaa dhaqan gelisay go’aan ay maalmo ka hor soo saartay oo farayey dayuuradaha iyo rakaabka ka yimaada Somalia iney si hakadaan garoonka Wajeer si halkaas loogu baaro ka hor inta aysan gaarin magaalada Nairobi,.
Shirkadaha dayuuradaha ayaa u hogaansamay amarkaas, iyadoo dayuurado ka duulay magaalada Muqdisho ay maanta mareen garoonka diyaaradaha ee magaalada Wajeer, halkaasi oo markale lagu baaray dadka rakaabka ah.
Diyaaradaha ka tagaya Muqdisho ayaa si toos ah uga dagayay labadii sano ee la soo dhaafay garoonka Jomo Kenyata kadib markii labada madaxweyne ee labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ay kala saxiixdeen heshiisyo dhawr ah sanadkii 2017-kii.
Dowlada Somalia ayaa si kulul uga jawaabtay go’aanka ay qaadatay Kenya oo ay ku tilmaantay inuu yahay mid siyaasadeysan, waxayna sheegtay iney qaadan doonto go’aan arintaas looga jawaabayo.
Saameynta ka dhalan karta ayay shirkadaha Soomaalida shegeen in shidaal, waqti iyo dhaqaale badan uu kaga lumayo haddii diyaaradaha Soomaalida ay maraan magaalada Wajeer.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com