Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre uu la socdo Taliyaha ciidanka booliiska ayaa xalay kormeer ku tagay xero ciidan oo kutaala Degmada Dayniile iyo sidoo kale saldhiga booliiska degmada Hodan.
Kheyre ayaa xalay si gaar ah u kormeeray xero ciidan oo kutaala degmada Dayniile , waxaana xeradan ku xareesan ciidamo si gaar ah loogu diyaariyey in ay dagaal la galaan dagaalyahanada Al Shabaab.
Ciidamada Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ku booqday Degmada Dayniile ayaa ah ciidamo isku dhaf ah oo isugu jira Milatari, Nabad sugid iyo booliis, waxaana ciidamadan la qorsheeyay in Al Shabaab dagaal la galaan.
Dhinaca kale Ra’isul Wasaare Kheyre iyo taliyaha ciidanka booliiska ayaa booqday saldhiga Degmada Hodan si a ugu kuur galaan sida uu saldhigaasi u shaqeeyo iyo sida ciidanka booliiska ugu diyaarsan yihiin sugida amniga.
Ra’isul Wasaare Xasan Kheyre ayaa habeen hore sidan oo kale kormeer ku tagay Degmooyin katirsan gobolka Banaadir si uu ugu kuur galo xaaladaha amni ee ka jira degmooyinka qaar.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com