Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo baajiyey safar uu ugu ambabaxi lahaa Qadar & sababta ka dambeysa

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka baaqday safar beri lagu waday in isaga iyo wafdi uu horkacayo ay ugu dhoofaan dalka Qadar sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Villa Somalia.

Warka ayaa intaas ku daraya in sababta Madaxweyne Farmaajo u joojiyey safarkiisa ay tahay xal u helida khilaafka ka dhex aloosan baarlamanka Somalia oo sababay inuu labo qeyb u kala jabo.

Khilaafka Baarlamanka ayaa yimid ka dib markii mooshin kala noqosho ah laga soo gudbiyey gudoomiyaha Baarlamanka, waxaana mooshinkaas laalay guddiga joogtada ah ee baarlamanka oo u cuskaday iney ka laabteen 16 xildhibaan, muran weyn iyo khilaafka oo sii xoogeystay ayaana ka dhashay arintaas welina xal looma helin.

Farmaajo ayaa la sheegay inuu saacadihii ugu dambeeyey waday la tashiyo ku aadan sida ugu haboon ee khilaafka taagan loo xalin karo, isagoo kulamo gaar ah la qaatay la taliyeyaashiisa dhinaca siyaasada, waxgarad, siyaasiyiin iyo dhinacyada is haya.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ku tegi lahaa dalka Qadar oo ahaa mid muhiim ah oo dowladu ku soo saxiixi rabtay mashaariic badan oo dalka laga fulinayo ayaa dib loo dhigay illaa xili aan la cayimin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax Goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Rasaas la maqlayo

Cabdi Cade

Qaraxyo saaka lagu weeraray guri uu degena taliyaha Nabad Sugida degmada Dayniile

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo isku shaandheyn ku sameeyey wasiirada maamulka Jubbaland (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---