Allbanaadir.com
NEWS

Qarax xoogan oo ka dhacay afaafka hore Maxkamad kutaala magaalada Boosaaso

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in qarax xoogan oo dhaliyay khasaaro uu ka dhacay afaafka hore ee Maxkamada darajada koobaad ee gobolka Bari.

Qaraxa ayaa la sheegay in lala beegsaday gaari uu lahaa guddoomiyaha Maxkamada Darajada koobaad ee gobolka Abukar Cabdinuur, waxaana gudoomiyaha gaarigiisa la qarxiyay la sheegay in uu ka maqan yahay Boosaaso uuna joogo Garawe.

Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhaawacmay 8-qof uu ku jiro taliyihii ciidamada ilaalada Maxkamada, waxaa sidoo kale dadka qaraa ku dhaawacmay ku jira garsoore iyo ciidamo katirsan maamulka Puntland.

Ma jirto wali cid sheegatay masuuliyada qaraxan saakay ka dhacay magaalada Boosaaso, waxaana laamaha amaanka magaalada ay wadaan howlgalo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay qaraxa Boosaaso ka dhacay.

Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ka dhaca qaraxyo miino iyo dilal qorsheesan, waxaana inta badan qaraxyada iyo dilalka magaaladaai ka dhaca siyaabo kala duwan u sheegta kooxaha Al Shabaab iyo Daacish.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Qoor Qoor oo Guddi Cusub magacaabay amarna ku bixiyay in lala shaqeeyo

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Raanabood Qurux badan oo laga dhisay Muqdisho oo Xariga laga jaray

Caydiid Ali

Ciidamo gadoodsan oo xirtay laamiga dheer ee taga Magalada Boosaaso

Caydiid Ali
Taboola Ads ---