Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa ka soo baxay kulan dhexmaray Gudoomiye Yariisow & Saraakiisha AMISOM? (Daawo Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira iyo Taliyaha guud ee Ciidamada AMISOM, Sarreeye Guud Jim Beesigye Owoyesigire la yeeshay kulan ku aaddan sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta ka dhaxeysa Gobolka Benaadir iyo AMISOM.

Kulankan oo ka dhacay xarunta dawladda Hoose ee (Xamar) ayuu Guddoomiye Yarisow ku ammaanay Midowga Afrika doorka ay ka ciyaartay horumarka iyo ammaanka Caasimadda. Waxaa kaloo intii uu kulanku socday lagaga hadlay ka bixitaanka AMISOM ee Stadium Muqdisho oo dhallinyaradu u baahan tahay, si loogu qabto ciyaaraha gobollada ee soo socda.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan oo xubin ka ah Golaha Amniga Qaran ayaa AMISOM ka codsaday in la dardargeliyo howlgallada xoreynta labada Shabeelle taas oo muhiim u ah xasilloonida amniga Caasimadda.

“Ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM waxay naftooda u hurayaan inay nabadda iyo noloshii caadiga ahayd dib ugu soo celiyaan dalka, waana uga mahadcelinaynaa kaalintooda muhiimka ah, kulankanna waxuu dhabaha u xaarayaa in aan si wadajir uga shaqeyno amniga iyo horumarka magaalada Caasimadda ah oo ka soo kabanaysa dhibaatooyinkii dagaalladu reebeen”.Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira ayaa shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay in ay garab istaagaan Howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Benaadir si ay gacan uga geystaan dardargelinta hannaanka xasilinta iyo in dalka dib looga hirgeliyo nabad waarta iyo amni.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu Uhuru Kenyatta Gooni Ugula Faqay Erdogan Maxaase Farmaajo Ka Baajiyey Madasha?

Cabdi Cade

Markab taagan xeebta degmada Baraawe oo hoobiyeyaal lagu weeraray

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo Nairobi kula kulmay Shariif Xasan & Waare halka Axmed Madoobe uu…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---