Allbanaadir.com
NEWS

Jawaari oo ka fekeraya in uu is casilo iyo Tirada Xildhibaanada kasoo horjeeda oo korortay (Akhriso Tirada)

Waxaa sii kordhaya Xildhibaanada saxiixay iyo kuwa taageersan mooshinka laga gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Xildhibaanada saxiixay iyo kuwa taageersan Mooshinka laga gudbiyay Gudoomiye Jawaari ayaa saacadihii lasoo dhaafay kulamo aan kala joogsi laheyn ku lahaa  Hoteelo kuyaala Muqdisho iyo xarunta Madaxtooyada.

Sida aan ku helnay warar lagu kalsoonaan karo Xildhibaanada taageersan mooshinka kalsooni kala noqoshada Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari  ayaa hada gaaray 193-Xildhibaan, waxaana suurto gal ah in tirada ay intaas kasii badato.

Xildhibaano badan oo maanta dalka dib ugu soo laabtay kana yimid dalka dibadiisa ayaa ku biiray mooshinka looga soo horjeeday Jawaari, waxa ayna Xildhibaanadan durba ku biireen shirarka looga soo horjeedo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Mooshinka laga gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa u muuqda mid waji cusub sii galaya, waxaana dad badan saadaalinayaan in Jawaari uu meesha ka bixi doono hadii kulanka Baarlamaanka furmo lana guda galo mooshinka Baarlamaanka horyaala.

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu  ka niyad jabsan yahay Xildhibaanada mooshinka xilka looga qaadayo taageersan ee hada sii kordhaya.

Gudoomiye Jawaari ayaa galabta ilaa caawa kulamo la lahaa, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo dad kale oo magac leh oo siyaasad ahaan taageersan, waxa uuna kala tashanayay sida uu u wajihi karo mooshinkan laga gudbiyay ee lagu doonayo in kursiga looga tuuro.

Gudoomiye Jawaari ayaa la sheegay in uu ka fekerayo labo arin midkood in uu iscasilo kahor inta aan mooshinka Baarlamaanka la horgeyn iyo in uu ku adkeesto in Baarlamaanka hortago loona qaado codka kalsoonida.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaan wali la shaacin xiliga ay kulmi doonaan kana doodi doonaan mooshinkan laga gudbiyay Jawaari, waxaana suurto gal ah hadii uusan isbadal imaan in maalmaha soo socda kulanka Baarlamaanka uu furmo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo Ciidamo gaar ah diyaarsaday iyo Farxaan Qaroole oo Ammar la siiyay !!

Cabdi Cade

Somaliland oo si kulul uga jawaabtay hadalkii Wasiir Fiqi

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo lagu tilmaamay Masuul aan Damqasho iyo Damiir laheyn !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---