Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaan Aadan Madoobe oo sheegay in Jawaari ay u furan tahay labo wado oo kala ah..

Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ka mid ah Xildhibaanada Mooshinka kalsooni kala noqoshada ah ka keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa talooyin u soo jeediyey Jawaari

Aadan Madoobe ayaa sheegay in Mr. Jawaari ay u furan tahay laba wado midkood kuwaasoo kala ah inuu ku dhawaaqo iscasilaad iyo tan labaad oo ah inuu sugo inta baarlamanku uga codeynayo mooshinka laga keenay.

“Hadii uusan iscasileynin wuxuu ku qasban yahay Gudoomiye Jawaari inuu sugo inta codka kalsoonida ah looga qaadaayo, sida sharcigu qabana 184 Xildhibaan oo mooshinka taageerta ayuu xilkiisa ku weynayaa” ayuu yiri Aadan Madoobe oo intaas ku daray in hadii tiradaas la waayo uu Jawaari soo ahaan doono gudoomiyaha baarlamanka Somalia.

Waxaa uu intaas ku daray in inta mooshinkan uu yaallo fadhiyada baarlamanka uusan gudoomin Karin gudoomiye Jawaari, loona baahan yahay inuu sharciga u hogaansamo

Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Gudoomiye Jawaari ayaa u muuqda kuwa ku kalsoon tirada ay mooshinka ku soo gudbiyeen, iyagoo ku adkeysanaya in cod loo qaado Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faa’iidada iyo Khasaaraha uu leeyahay Internetka Xiligan (Warbixin Xiiso Badan )

Cabdi Cade

RW Rooble iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ku kulmay Mombasa (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidan Kumandos Soomaali ah oo tababar adag ku qaadanaya dalka Turkiga (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali