Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiye Jawaari oo ku faraq xirtay Xildhibaanada Mucaaradsan Xukuumada

Xildhibaanada mucaaradsan Xukuumada Raisul Wasaare Khayre ayaa bilaabay iney ka faaideystaan khilaafka ka dhex aloosan baarlamanka Somalia ee ka dhashay mooshinka laga keenay Gudoomiye Jawaari kaasoo ka dhigay heyaddii sharci dejinta mid labo garab u kala jabtay.

Guddoomiyaha xaalku ku xun yahay ee baarlamanka Somalia Maxamed Cismaan Jawaari oo haatan uu heysto culeys siyaasadeed ayey ku adkaatay inuu kala furfuro xildhibaanada Mooshinka keenay waxayna taasi sababtay inuu ku faraq xirto Xildhibaano horeyba ugu caan baxay mucaaradnimada dowlada oo ay ka mid yihiin Mahad Salaad, Xasan Macalin, Axmed Macalin Fiqi, Abdirahmaan Maxamed Xuseen (Odowaa),  iyo xubno kale.

Xildhibaanadan oo horey baraha bulshada ugu faafiyey qoraalo ay ku cambaareynayaan mooshinka laga keenay gudoonka sare ee baarlamanka ayaa saacadihii ugu dambeeyey lagu arkay Villa Hargeysa, iyagoo kulamo la qaadanaya talooyina siinaya Jawaari.

Sida ay sheegayaan warar laga helayo Villa Hargeysa Waxyaabaha ay ka wada hadleen waxaaa ugu muhiimsan sidii loo fashilin lahaa xildhibaanada wada mooshinka oo ay adkaatay in la kala furfuro, waxayna kula taliyeen Gudoomiye Jawaari inuusan si fudud isku dhiibin uuna dagaalka wado illaa daqiiqada u dambeysa.

Dhibaatada ugu daran ee heysata gudoomiye Jawaari ayaa la sheegay iney tahay taageero la’aan iyo isagoo aan heysan dhaqaale uu ku maareeyo cadaadiska saaran.

Dadka falanqeeya siyaasada Somalia ayaa aaminsan in culeyska heysta gudoomiye Jawaari uu yahay mid ay adag tahay inuu ka badbaado, maadaama uu waayey taageerada inta badan xildhibaanada Baarlamanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xassan Shiikh oo mar kale ku wajahan degaanada Puntland (Sababta)

Caydiid Ali

Hey’adda Lacagta Adduunka (IMF) oo shaacisay Warbixin ka farxisey dowlada Somalia

Caydiid Ali

(Sawirro) Xassan Shiikh & Dhigiisa Geelle oo daahfuray Akadeemiye-goboleedka Af Soomaaliga

Caydiid Ali