Aqalka Sare ee baarlamanka Somalia ayaa go’aamo deg deg ah kasoo saaray Khilaafka xooggan ee u dhaxeeya xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliyeed.
Kulan ay maanta ay yeesheen Guddiga Joogtada ah ee xildhibaanada Aqalka Sare ayaa laga soo saaray baaq ku aadan in khilaafka si deg deg ah loo dhameeyo.
Qodobadda kasoo baxay kulanka Guddiga joogtada ah ee xildhibaanada Aqalka Sare ayaa waxaa warbaahinta u aqriyay xoghayaha Guud ee Aqalka Sare.
Guddiga Joogtada ah ee Aqalka Sare ayaa sidoo kale guddi u saaray xaaladda Cakiran ee ka dhex taagan baarlamaanka golaha Shacabka Soomaaliyeed, waxaana magacyada guddigan ay kala yihiin:-
1-Cabdi Xaashi C/llaahi
2-Mowliid Xuseen Ducaale
3-Sam-sam Ibraahim Cali
4-Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid)
5-Max’uud Axmed Mashruuc
6-Maxamed Amiin Shiikh Cismaan.
7-Muxyadiin Shiikh Jaamac.
Xubnaha guddigan ayaa loo xilsaaray iney xaliyaan xaalada cakiran ee ka dhex aloosan Baarlamanka Somalia, iyagoo kulamo la qaadan doona xildhibaanada taageersan Jawaari iyo kuwa diidan mooshinka.
Magacaabida guddigan ayaa ku soo aadeysa xili xaalad adag iyo ay ka dhex aloosan tahay baarlamanka Somalia oo labo u kala jabay, lamana oga sida guddigan ay ugu guuleysan doonaan xalinta khilaafka taagan oo aan aheyn mid sahlan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com