Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Shirkii Madaxda Soomaalida uga socday Garoowe oo fashil qarka u saaran

Madaxda Maamulada Jubbaland iyo Galmudug Axmed Maxamed Islaam iyo Axmed Ducaale Geelle ayaa ka baaqsaday kulamadii xalay ee shirka Wadatashiga magaalada Garowe, kadib eedo ay ka tirsadeen madaxda dowladda Soomaaliya.

Shirkan oo muddo toddobaad ku dhow ka socday magaalada Garowe ayaa lagu guuleysan waayey in xal looga gaaro arrimo xasaasi ah oo looga hadlayey, waxaana Axmed Madoobe iyo Xaaf ay dowladda Federaalka ku eedeeyeen inay faragelin ku heyso maamulladooda, ayna mas’uul ka tahay dhibaatooyinka ka jira labadas maamul.

Labada madaxweyne ee Jubbaland iyo Galmudug oo wajahaya doorashooyin ay ka cabsi qabaan inay xilalka ku waayaan ayaa dadaal ugu jira muddo kordhin ama inay dib u soo  laabtaan, waxaana arrintaasi ka hor yimid madaxda dowladda Soomaaliya oo ku adkeystay in doorashada labadaas maamul ay xilligeeda ku dhacdo.

Khilaafka ugu dambeeyay waxaa shirka Garowe ka qarxiyey Axmed Madoobe oo dowladda Federaalka ku eedeeyay inay qas ku heysto maamulkiisa, isla markaana ay magaalada Kismaayo u dirtay musharax hubeysan (C/naasir Seeraar) si uu nabadgelyo darro uga rido magaalada Kismaayo, taasoo ka dhalatay shaqaaqadii shalay ka dhacay garoonka dayuuradaha magaalada Kismaayo markii ay halkaas isku fara saareen ilaalo hubeysan oo uu watay musharax Seeraar iyo ciidamada Jubbaland.

Kulamadii xalay ayaa wax go’aan ah lagu gaarin, waxaana fashilmay dadaal lagu doonayey in wax uun la isku raaco shirka si aanu u noqon midkii ugu horeeyay ee madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ku kala tagaan, laakiin waxaa hareeyay tallaabada ay qaadeen Axmed Madoobe iyo Xaaf.

Shirka ayaa u muuqda in lagu kala tegayo, hadii aan la helin tanaasul iyadoo dad badan ay ka digayaan in taasi laga dhaxli doona xaaladda oo kasii darta.

Madaxweynaha martida loo yahay ee Puntland ayaa dadaal xooggan ugu jira in la helo ugu yaraan qodobo ay madaxdi isku raacsan yihiin si loo badbaadiyo shirka oo xaalad adag lugaha la galay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Magacaabista golaha Wasiirada iyo Qaban qaabo socota

Cabdi Cade

Dambiile Wajiga bedeshay si weyna loo raadinayay oo Gacanta lagu dhigay (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweynaha Kenya oo Xil muhiim ah u magacaabay Amiin Maxamed Ibraahim

Cabdi Cade
Taboola Ads ---