Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka oo loogu baaqay in uu is casilo 

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo goordhaw shir ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa ayaa ugu baaqay Gudoomiyaha Baarlamaanka  Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari in uu is casilo.

Xildhibaanadan shiray ayaa ahaa Xildhibaanadii dhawaan mooshinka ka gudbiyay Gudomiye Jawaari, waxa ayna sheegeen in mooshinka ay gudbiyeen uu wali yahay mid taagan oo sharci ah.

Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo ka mid ah xildhibaanadii kulanka ka hadlay ayaa ugu baaqay Gudoomiye Jawaari in uu si deg deg ah isku casilo si loo soo afjaro jahwareerka Siaasadeed ee taagan iyo kala qeyb sanaanta Xildhibaanada.

”Gudoomiye Jawaari waxaan ku naqaan in uu yahay nin wadani ah, waxaan ka codsaneynaa inta aad jiid jiid Qaranka galin laheyd in aad is casisho” ayuu yiri Xildhibaan Cabdullahi Sheekh.

Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe oo isna kulanka ka hadlay ayaa ugu baaqay Gudoomiye Jawaari in uu xilka iska casilo maadama laga soo gudbiyay mooshin sharci ah.

” Gudoomiye Jawaari waxaa u furan labo wado oo ah in uu is casilo ama in uu sugo in ay kalsoonida kala noqdaan 184-Xildhibaan, waxaansa kula talin laheyn Jawaari in si nadiif ah xilka uga tago uu is casilo” Ayuu yiri Aadan Madoobe.

Waxa ay sidoo kale Xildhibaanadan sheegeen in mooshinka la horgeyn doono Baarlamaanka kulanka ugu horeeya ay yeeshaan loona qaadi doono codka kalsoonida Gudoomiyaha Baarlamaanka hadii uusan is casilin kahor.

Xildhibaano siyaasad ahaan iska soo horjeeda ayaa maanta kulamo kala duwan ku leh magaalada Muqdisho, waxaana kulamadan imaanayaan xili uu sii xoogeesanayo khilaafka ka dhax aloosan Xildhibaanada Baarlamaanka oo labo garab u kala jabay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Caruurtii uu ka geeriyooday Jamal Khashoqji oo la siiyey guryo & Lacag aan caadi aheyn

Caydiid Ali

Madaxweyne Laftagareen oo la kulmay Wakiilo katirsan Beesha Caalamka (Sawirro)

Cabdi Cade

Akhriso War Murtiyeed 10-qodob ka kooban oo kasoo baxay Shirkii Garsoorka Somalia

Cabdi Cade
Taboola Ads ---