Allbanaadir.com
NEWS

Nabadoon caan ah oo maanta lagu dilay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya dilkiisa

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa maanta Xaafada Taleex ee Degmada Hodan waxa ay ku dileen nin Nabadoon ahaa , waxaana goobta dilka ka dhacay ka baxsaday dableydii hubeysneyd.

Nabadoonka la dilay ayaa  lagu Magacaabi jiray Axmed Cabdulle Jimcaale, waxa uuna kamid ahaa Nabadoonada caanka ah ee kasoo jeeda gobolka Hiiraan, lamana oga sababta loo dilay iyo walib cida dilkiisa ka dambeysay.

Ciidamo katirsan booliiska iyo Nabad sugida ayaa tagay halka uu dilku ka dhacay oo ku dhaweyd guriga uu degaa Nabadoonka, waxa ayna ciidamada halkaasi ka sameeyeen baaritaano aan la shaacin natiijada kasoo baxday.

Magaalada Muqdisho ayaa marar badan lagu dilay nabadoono caan ahaa, Nabadoonada la dilay qaarkood waxaa masuuliyada dilkooda ka sheegtay kooxda Al Shabaab ee dagaalka kula jirta dowlada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Laftagareen oo sameeyay Xil ka qaadistii iyo Magacaabistii ugu horeesay

Cabdi Cade

Dowlad fasaxday in labo nuuc oo daawo ah loo isticmaali karo cudurka Caronavirus 

Cabdi Cade

Dowladaha Masar iyo Turkiga Maxaa xiligan kala saareesiiyay ?(Wax badan ka Ogow)

admin
Taboola Ads ---