Ciidamo katirsan Booliiska AMISOM ayaa goordhaw la geeyay xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ee Muqdisho, xili xaruntaasi xalay horey loo geeyay ciidamo kale oo dowlada katirsan.
Sida aan Wararka ku helnay Ciidamadan katirsan booliiska AMISOM ee la geeyay xarunta Baarlamaanka ayaa loogu tala galay in lagu xoojiyo amaanka xarunta golaha shacabka oo la filayo in kulamo xasaasi ah ka dhacaan maalmaha soo socda.
Xarunta Baarlamaanka waxaa horey u joogay ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM , hasa ahaatee ciidamadaasi ayaa saacadihii lasoo dhaafay lagu xoojiyay ciidamo kale si ay amaanka xarunta Baarlamaanka u adkeeyaan.
Ciidamadan cusub ee la dhoobay xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kusoo aadeysa xili xiisad siyaasadeed u dhaxeyso Xildhibaanada Baarlamaanka, waxaana laga cabsi qabaa in Xildhibaanada isku dhacaan hadii aan la xailin khilaafka taagan.
Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku eedeeyay Xukuumada in ciidamo cusub geeyeen xarunta Baarlamaanka lana wareegeen, waxaana warkaasi beenisay Wasaarada Amniga oo sheegtay in ciidamo booliis ah la geeyay xaruntaasi si amaanka u xoojiyaan .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com