Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa u kala jabay labo garab, waxa ayna Xildhibaanada noqdeen kuwa Mooshin ka wada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo kuwa kale oo Mooshinka ka difaacaya Gudoomiyaha.
Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo ka mid ah Xildhibaanada sida weyn u taageersan una difaacaya Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si dadban u weerartay Madaxweyne Farmaajo.
Waxa ay sheegtay Xildhibaanada in wax laga xumaado ay tahay in Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka ku sugan uusan wali ka hadlin khilaafka ka dhax jira Baarlamaanka uuna kor ka eeganayo waxa socda.
Xildhibaanada ayaa sheegtay Madaxweynaha in uu guri isku soo xiray kana aamusay waxa socda , waxa ayna ugu baaqday in uu ka hadlo weerar ay sheegtay in Xukuumada Soomaaliya kusoo qaaday Baaramaanka Federaalka iyo Gudoomiyahooda Jawaari.
”Madaxweyne Farmaajo anagaa codkeena ku dooranay oo kasoo dhax xulanay 20-musharax , Madaxweymihii aan dooramay in uu maanta ka aamuso, waxa dhacaya guriga hoos ka soo xirto uu yiraahdo waxaan ma ogeyn anaga ma qaadan karno, Soomaalina ma qaadan karto waa wax aad u mucjiso u ah, mooshinkna Xukuumada soo abaabushay waa in uu ka hadlaa Madaxweynaha ” Ayey tiri Xildhibaan Sacdiya.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaan wali ka hadlin mooshinka laga keenay Gudoomiyaha Baarkamaanka iyo khilaafka ka dhax aloosan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com