Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa xalay xili dambe weerar culus oo dhinaca cirka ah waxa ay ku qaadeen saldhigyo kooxda Al Shabaab ku leedahay magaalooyinka Jilib iyo Jamaame.
Duqeyntan ayaa la sheegay in lagu bartilmaameedsaday saraakiil sare oo katirsan Al Shabaab oo Mareykanku si weyn u doon doonayo, waxaana duqeynta la sheegay in lala beegsaday goobo saraakiishaasi lagu tuhmayay.
Weerarka hore ee diyaaradaha dagaalka Mareykanka fuliyeen ayaa ka dhacay degmada Jilib, waxaana lala eegtay goob la sheegay in lagu tuhmayay in uu joogo sargaal Mareykanka madaxiisa horey lacag u dul dhigeen.
Weerarka labaad oo isna ka dhacay magaalada Jamaame ayaa lala eegtay xarun la sheegay in uu joogay sargaal Al Shabaab u qaabilsanaa dejinta qorshayaasha ay kooxdaasi ku howl gasho.
Wali lama oga in duqeynta waxyeelo kasoo gaartay xubnaha bartilmaameedka ahaa, sidoo kale lama oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay duqeyntan xalay lala beegsaday xarumaha Al Shabaab.
Duqeyn ay diyaaradaha dagaalka Mareykanka horey u fuliyeen ayaa lagu dilay xubno sar sare oo katirsanaa kooxdaasi, waxa ayna duqeymaha noqdeen kuwa cabsi badan ku beeray saraakiisga iyo madaxda Al Shabaab.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com