Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dhalinyaro laga soo saaray xabsiyada dalka Liibiya oo laga soo dejiyey Muqdisho

14 dhalinyaro Soomaaliyeed oo muddo ku jiray xabsiyada dalka Liibiya ayaa maanta laga soo dajiyay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Dhalinyaradaan oo tahriib ku marayay wadanka Liibiya ayaa waxa ay gacanta u galeen kooxo magafayaal ah, kuwaasoo mudod badan madax furasho u heystay.

Wiilashan ayaa sheegay in ay ka kala tahriibeen magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa Jigjiga, Garowe iyo magaalooyin kale oo Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal u gashay sidii dalka Liibiya looga soo samatabixin lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan.

Ambassador Maryan Yaasiin oo ah Ergayga gaarka ah ee xaquuqda Caruurta iyo Tahriibayaasha ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa dadaal dheer ka dib ku guuleysatay in ay dhalintaas dib ugu soo celiso dalkooda hooyo.

Dhalinyarada oo qaarkood la hadlay warbaahinta ayaa shegay in ay ka soo bexeen nolol mugdi ah isla markaana ay aad ugu faraxsanyihiin in dalkooda dib loogu soo celiyay iyagoona u mahad celiyay dowladda Soomaaliya oo ay sheegeen in ay dadaal ku bixisay soo deyntooda.

Dalka Liibiya ayaa waxaa ku xiran dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed, waxaa hadda dalkaasi ka socda dagaalo sokeeye oo ay ku hardamayaan dhinacyada dowladda caalamku aqoonsanyahay iyo xoogag uu hoggaminayo General lagu magacaabo Khaliifa Hafter.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Khilaaf xoogan oo ka dhax jira Masuuliyiinta sar sare ee Wasaarada Gargaarka

Cabdi Cade

Milkiilaha Maqaayad uu xalay ku shaah cabay Musharax Cirro oo xabsiga la dhigay

Cabdi Cade

Diyaarad Rakaab ay la socdeen 165-qof oo shil gashay iyo Duuliyihii oo xeylad adeegsaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---