Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xukuumada Somalia oo ka hadashay shirka Wada tashiga ee ka socda Garoowe

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa ka hadlay shirka ay magaalada Garowe ku leeyihiin Madaxwaynaha dalka, Ra’iiusl Wasaaraha iyo madaxda dawlad gobaleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Khadar ayaa madaxda ugu hambalyeeyay shirka oo ay uga tashanayaan aayaha dalka, waxaana uuna rajeeyay in shirka ay ka soo baxaan natiijooyin wanaagan oo wax ka tara mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ku tilmaamay shirka mid ku socda si habsami leh, waxaana uuna shacabka Soomaaliyeed ka dalbayday is garab istaagaan madaxda dalka una duceeyaan.

“Meel fiican ayuu marayaa shirkan, waxyaabo badan ayaa la isku afgartay, inta hartayna xalinteeda meel fiican ayey marayaan intaan ka war hayo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka soo baxay kulankii xalay dhexmaray Qoorqoor, Guudlaawe iyo Musharaxiinta?

Caydiid Ali

Saciid Ciise: “Puntland waxey damacsan tahay degmooyinka Somaliland qaar ka mida iney..”

Caydiid Ali

Fahad Yaasiin oo Madaxweyne Geelle ku tilmaamay in uu yahay cadawga Soomaaliya !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---